Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegtay in si dirqi ah uga bad baaday weerar ay ku dili rabeen C/llaahi Shariif

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, weerarkan ayaana Al Shabaab ku doonayeen in ay ku dilaan gudoomiyaha degmadaasi.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkooda ku beegsadeen xarunta maamulka degmada Buurdhoobo , waxa ayna Al Shabaab xuseen in weerarkaasi si dirqi ah uga bad baaday gudoomiyihii degmadaasi C/llaahi Shariif .

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in gudoomiyaha degmada Buurdhuubo iyo xubno la socday weerarka markii lagu soo qaaday ay u baxsadeen xero ay degmadaasi kaga sugnaayeen ciidamada Itoobiya.

Maamulka Degmada Buurdhuubo ayaan wali ka hadlin weerarkan xalay ka dhacay degmadaasi iyo khasaaraha ka dhashay, lamana oga ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo kamid Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha shacabka oo la dilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo kulan muhiim ah la qaatay Ra’isul Wasaare hore

Cabdi Cade

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo caawa la weeraray & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---