Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Laftagareen, Qoor-qoor & Guudlaawe (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle

Rooble iyo saddexda hogaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka madaxda sare ee dalka, dardar gelinta iyo hufnaanta doorashada, amniga iyo qodobo kale.

“Kulamadan ayaa gogol xaar u ah sidii isku aragti looga noqon lahaa ajendayaasha shirka Gollaha Wadatashiga Qaran si uu shirku u noqdo mid guuleysta , waxana Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xoogga saarayaa sidii uu shirka najixi lahaa,si doorashadu u noqoto mid hufan oo la waqtiyeeyay” sidaas waxaa yiri afhayeenka xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa kulan kan la mid ah la qaatay shalay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Masuuliyiintan ayaa Muqdisho u jooga shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho, Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa haatan gaaray Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -