Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Janaraal Cabdisamad Cali Shire

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
 
“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne Ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag bastoolado ku hubeysan oo dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dib loo furay & shuruudo cusub oo la soo rogay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor oo goordhaw gaaray Degmada Ceeldheer

Cabdi Cade
Taboola Ads ---