Hormuud Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay qoys indhoolayaal ah oo ku nool Jowhar

Shirkadda Hormuud Foundation ayaa deeq lacag ah gaarsiisay qoys ku nool tuulada Moyko oo dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Qoyskan oo ah qoys dan-yar beeralay ah kana kooban afar ruux ayaa labo ka mid ah oo ah dhalinyaro Ciise cumar boosh,22 sano jir iyo Xaawo cumar boosh 18 jir ah waxa ay yihiin indhoolayaal.

Madaxa suuq geynta Shirkadda Hormuud ee magaalada Jowhar Muuse Maxamed Maxamuud oo ku booqday qoyska ayaa waxaa uu ku wareejiyay lacag gaareysa labo kun oo dollar oo ay shirkadda hormuud foundation ku caawisay qoyskan.

Maryan Nuuni Abuukar oo ah waalidka dhalinyaradan indhaha la’ muddo dheer ayaa u mahadcelisay shirkadda Hormuud iyadoo sheegtay inay tahay markii ugu horeysay ee ay helaan wax kaalmo ah.

Shirkadda Hormuud Foundation ayaa marwalba waxa ay ka caawisaa bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -