Allbanaadir.com
NEWS

Taliye ku-xigeenkii Booliska Puntland oo lagu dhaawacay iska horimaad ka dhacay Garoowe

Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Bile Faarax Cali ayaa ku dhaawacmay maanta israsaaseyn ka dhacday magaalada Garowe sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Puntland ayaa xaqiijiyey in taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Puntland Bile Faarax Cali uu ku dhaawacmay israsaaseyn dhexmartay ilaaladiisa iyo ciidamo ku sugnaa degaanka Buuro Wadal ee duleedka Garoowe.

Dhaawaca taliyaha ayaa waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Garoowe, waxaan wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in xaaladiisa caafimad ay soo wanaag-sanaaneyso.

Laamaha amniga Puntland ayaan soo saarin war ku saabsan dhaawaca taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Bile Faarax Cali, balse saraakiisha Puntland ayaa sheegaya inuu socdo baaritaan ku aadan waxa sababay israsaaseyntan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira inuu shaqada iska casilay agaasimihii Madaxtooyada Somalia?

Caydiid Ali

Hees ay soo qaadeen kooxda Waayaha cusub oo fal-celin adag kala kulantay Baraha bulshada

Caydiid Ali

Askari ka tirsan Ciidanka dowlada oo qaaday talaabo ay dad badan u riyaaqeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---