Maxaa ka jira in khilaaf cusub uu ka dhex curtay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug?

Khilaaf cusub ayaa ku dhex curtay Madaxda sare Maamulka Galmudug kaasoo maalmihii u dambeeyay dibeda u soo baxayey, iyadoo khilaafkan uu salka ku hayo arrimo ku saabsan dastuurka maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa daboolka ka qaaday in lagu tuntay dastuurka Galmudug.

Cali Gacal wuxuu sheegay in dastuurka shalay loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamanka Galmudug uusan aheyn kii saxda ahaa, ayna ku jiraan qodobo qaarkood lagu soo daray oo dano gaar ah laga leeyahay kuwaasoo uu xusay ineysan waafaqsaneyn dastuurka Somalia.

Sidoo kale, Gudoomiyaha wuxuu sheegay in la jabiyay heshiiskii Jabuuti ee u dhexeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

“Qodobada heshiiska ee la jabiyay waxa ka mid ah in la badiyay tirada xildhibaanada oo beelaha qaar laba jibaar xildhibaanada loogu daray”ayuu yiri Guddoomiyaha, taasoo uu xusay iney khilaafsan tahay hanaanka awood qeybsiga beelaha dega degaanada Galmudug.

Cali Gacal wuxu sidoo kale sheegay in madaxda sare ee Galmudug doonayaan inay waqtiga kororsadaan kuna darsadaan 4 sano dheeraad halka heshiisku ahaa  4 sano oo iminka ay ka harsan tahay 1-sano oo kaliya.

Wuxuu Beesha Caalamka ka codsaday inay soo farageliyaan khilaafka taagan iyo marin habaabinuu sheegay iney wadaan madaxda Galmudug qaarkood.

Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale ee maamulkaas ayaan illaa hadda ka hadlin murankan ku saabsan dastuurka maamulka ee hadda soo shaac baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -