Askari ka tirsan Ciidanka dowlada oo qaaday talaabo ay dad badan u riyaaqeen

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa si lama filaan ah oo geesimo leh toogasho ugu dilay laba nin oo ka tirsanaa koox burcad aheyd oo dhac ka geysatay degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askariga oo goobta ku sugnaa uu la kulmay rasaas ka dhaceysa Bosteejada Macaani ee degaankaasi, wuxuuna ka jawaabay rasaasta, isagoo beegsaday Mootada rasaasta riday oo dableyda burcadda ahi ay wateen, wuxuuna halkaasi ku dilay laba ka mida burcadda, isagoo mid kale dhaawacay.

Kooxdan ayaa la sheegay inay daqiiqado ka hor xiligaas macalin Dugsi ka soo dhaceen telefoon Mobile ah, iyagoo isku dayey in jidka oo ciriiri ahaa ay rasaas ku furtaan, balse arrintan ayaa qabsatay.

Labada nin ee la dilay ayaa ku hubeysnaa Bistoolado ay u  adeegsanayeen falalkooda dhaca ah, waxaana Markii danbe goobta gaaray ciidamada amniga iyo maamulka degaanka Garasbaaleey oo qabtay darawalkii Mootada, iyo ninka dhaawac ahaa.

Burcad qowleysato ah shacabka u geysta dhac barer ah ayaa ka dilaacay maalmahan magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanku ay wadaan howlgalo  ay burcadaas ku qabqabanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -