Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira inuu shaqada iska casilay agaasimihii Madaxtooyada Somalia?

Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fursade ayaa iska casilay shaqada Madaxtooyada, kaddib muddo sanad ah oo uu xilkas hayay sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia.

Dr. Fursade kama hadlin sababta uu shaqada uga tagay balse wararka qaarkood ayaa sheegaya inuu xafiiska u baneeyey arrimo isaga u gaar ah awgood

Waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka loo saadaalinayay in loo magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia, mana cadda in shaqo ka tagidiisa ay la xiriirto ku hungoobida xilkaas oo dhowaan uu baneeyey RW hore Xasan Cali Khayre.

Agaasimaha iscasilay ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fursade oo dib ugu laabtay dalka Canada oo dhalasho labaad uu ka heysto ayaa saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Farmaajo

Waxaa uu noqonayaa agaasimihii Shanaad ee soo mara Madaxtooyada Somalia tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo oo hadda laga joogo Saddex sano iyo bar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Costa Rica oo xabsiga dhigtay nin lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.

Caydiid Ali

Xaaf oo kulumo shaki abuuray ka wada Muqdisho, xaalada Cadaado oo kacsan & Warar kale

admin

Golaha Wakiiladda Puntland oo ansixiyay gobol cusub oo loogu magac-daray Raas Caseyr

Cabdi Cade
Taboola Ads ---