Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Tirada dadkii ugu dambeeyey ee laga helay COVID-19 oo la shaaciyey

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qofood, waxaana geeriyooday 3 bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween.

27 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 7 kalana waxay ku sugan yihiin deegaannada dowlad gobaleedka Puntland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 756, waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada kahor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Hormuud Telcom oo la guddoonsiiyey abaal marino kala duwan (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisaada ka soo cusboonaatay Galmudug iyo Ahlu sunna

Caydiid Ali

Wasiir Arrimaha Gudaha oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay falal aargoosi ah oo lagula kaco (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---