Taliyaha Booliiska oo shaaciyay in la xiri doono qof kasta oo Aflagaado iyo xadgudub geesta

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka cusub ee booliiska bilaabeen in ay ku xir xiraan dadka baraha bulshada ka waday kicin bulsho iyo aflagaado.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay jiraan dad badan oo xabsiga loo taxaabay , kaddib markii ku kaceen falal xadgudub ah ay ku jiraan kicin bulsho, iska horkeen dadka caasimadda degan iyo dhaqanxumo kale.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan qof dambe ka oggolaan doonin in baraha bulshada ka caayaan madaxda iyo dadka kalaba, waxa uuna xusay in qofkii wax sheega lasoo xirayo lana weediinayo caddeynta waxii uu sheegay.

“Baraha bulshada waa ku soo badatay dhalinyaro si qaldan u isticmaasha oo aflagaadeysa dadka kale, ciidanka booliska masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta sharafta dadka laga caayo baraha bulshada. “Dalku wuxuu leeyahay shuruuc iyo kala dambeyn, wixii ka baxsan wixii qofka sharcigu u ogolyahay, waxaa naga go’an inaan ku qabsano, maadaama waajibka na saaran uu yahay ilaalinta sharciga, qof kasta oo xadkiisa soo dhaafa waxaa la weydii doonaa cadeynta waxyaabaha uu ka hadlay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Hadalka taliyaha kasoo yeeray ayaa imaanaya xilli xabsiyada Muqdisho la dhigay maalmihii lasoo dhaafay dad badan oo isugu jira kuwa baraha bulshada isticmaalada , iyo dad kale oo iyana ku dhawaaqay hadallo kicin ah ay dowladu dhibsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -