(Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey dayuuradii lagu soo riday Berdaale & Ganacsade caan ah oo

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay dayuurad yar oo galabta lagu soo riday nawaaxiga garoonka dayuuradaha degmada Berdaale ee gobolka Bay taasoo ay laheyd shirkadda African Express.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Berdaale ee gobolka Bay ayaa  xaqiijiyey in dayuurad u kireysneed hay’ad samafal ay ku dhacday garoonka diyaaradaha degmadaas, inkastoo ay ka gaabsadeen iney bixiyaan faahfaahin intaas ka badan.

Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh Garoonka Bardaale ayaa la sheegay inay ku dhufteen dayuurada gantaalka garabka laga rido ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha ama RPG sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan Berdaale.

“Waxaan arkaynay dayuuradaha oo iyadoo ololeysa ku dhacday meel ku dhow garoonka Berdaale ka dib markii ciidamada Itoobiya ay la heleen gantaalka Baasuukaha” ayuu yiri goob jooge ku sugan Berdaale oo saxaafada la hadlay.

Masuul ka tirsan Shirkadda ayaa sheegay in dayuuradooda oo ku duuleysay joog dhulka ka sareeya 20,000 ft si ku tala gal ah loo soo riday, xilli ay ka dageysay Garoonka Bardaale.

Diyaarada oo ahayd nooca yar yar ayaa waxaa saarnayd shixnad dawooyin ah oo loo waday Berdaale , ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, waxaana ku jiray shaqaalihii dayuurada iyo ganacsade caan ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cali Madax Guduud.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaanan ka hadlin sababta ay dayuuradan rakaabka ah u soo rideen, sidoo kale dowlada Somalia iyo maamulka koonfur galbeed ayaan weli soo hadal qaadin dhacdadan.

Marxuum Gnacsade Cali Madax Guduud oo ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -