Dayuurad xamuul ah oo ku dhacday garoonka Berdaale ka dib gantaal lala helay

Wararka ka imanaya magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya inuu dayuurad yar oo kuwa xamuulka qaado ah lagu soo riday garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Mas’uul ka tiran shirkadda diyaaradaha African Express ayaa idaacada VOA u sheegay in diyaaradda dhacday  ay shirkaddu leedahay isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Dayuurada  lagu dhuftay qoriga Sabanka ah ama RPG-ga loo yaqaano, ayna soo dhacday iyadoo ololeysa, xilli ay ka dageysay garoonka Bardaale, iyagoo intaas ku daray in gantaalkaas loo badinayo inay si qaldan u rideen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka Bardaale.

Dad afar ama shan qof ah ayaa la sheegay inay diyaaraddaas saarnaayeen, waxaana  jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in badankood ay dhinteen, maamulka Koonfur galbeed ayaana weli ka hadlin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -