Allbanaadir.com
NEWS

Robotka Sophia oo ugu dambeyn la kulantay raisul wasaare Abiy Axmed (Sawirro+Video)

Safiya oo ah robot sidii qof bani’aadan ah loo qaabeeyay ayaa ugu dambayntii kulan la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii dhawaan qaybo kamid ah robotka oo lumay dib loo helay.

Safiya waxay kala hadashay Abiy Axmed arrimaha teknooloojiyadda iyo sidii loo ballaarin lahaa curinta fikradaha casriga ah ee waxtarka u leh dunida.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay inuu taageerayo sare u qaadidda barnaamijyada teknooloojiyadda ee qaaradda.

Mashruuca loogu magac daray ICog-Labs ayaa ka qayb ah dadaalladii lagu sameeyay robotka Safiya oo noqotay Roboktii ugu horreeyay ee la siiyo dhalashada dal kaddib markii Sucuudiga uu dhalasho siiyay sannadkii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_TFvF1DwPWw

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee dalalka ku bahoobay ururka IORA (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo sheegtay iney dileen Saraakiil kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa..

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay rabshadaha dhiiga badan ku daatay ee ka socda Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---