Al Shabaab oo ka hadashay Saameynta ka dhalatay Duqeymaha Mareykanka wado

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan deegaanada ay Al Shabaab maamulaan.

Cali Dheere ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo isugu jira , haween , caruur iyo dad kale da’ ah.

“Iyagoo ku andacoonaya la dagaalanka Mujaahidiinta ayay diyaaradaha Mareykanka si bareer ah u beegsadaan Muslimiintii aaminiinta ku ahaa wilaayaatka Islaamiga, waxayna ku laayeen rag, dumar iyo caruur intaba” Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka beegsadeen ayna bur bur gaarsiiyeen xarumo caafimaad iyo sidoo kale macaahiid caruurta wax lagu bari jiray.

” Diyaaradaha Mareykanka waxa ay duqeeyeen goobo caafimaad kuna dileen caruur ay ka mid yihiin dhallaan yar oo jirey wax ka yar hal bil. Waxey burburiyeen macaahidii waxbarasho iyo dugsiyadii quraanka, dhacdoyinkaas iyo kuwa la midka ah ” Ayuu yiri Afhayeenka Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa duqeymo badan ka fuliyay deegaano iyo degmooyin ay Al Shabaab maamulaan, waxaana duqeymahaasi qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -