Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Khayre & wafdi uu horkacayo oo maanta ka ambabaxay dalka

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Brusells eedalka Biljam.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Biljamka waxa uu uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey dalalka deeqda bixiya, waxaana la filayaa iney ka soo baxaan go’aano ku saabsan sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka si ay amaanka dalka gacanta ugu dhigaan.

Kheyre ayaa ka hor safarkiisa Biljamka waxaa garoonka Aadan-Cadde ku soo dhoweeyay Ciyaartoyda Xulka 17-jirada Soomaaliya ee dalka Burundi uga qeyb galay tartanka Bariga & Bartamaha Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha guddiga doorashada heer federaal oo kalsoonida lagala laabtay

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo heshiisyo la galay dowlad deegaanka Soomaalida

Cabdi Cade

Midowga Dalladaha Waxbarashada oo War ka soo saaray Imtixaanka Shahaadiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---