Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Puntland oo heshiisyo la galay dowlad deegaanka Soomaalida

Maamulka gobolka Mudug qeybta Puntland, ayaa heshiisyo dhinaca amniga iyo iskaashiga ah la gaaray maamulka gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaddib kulamo labada maamul ku yeesheen magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka.

Shirkan ay yeesheen labada maamul ee ka kala tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka , ayaa gabogabadiisa waxa ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta wadashaeynta dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada gobol iyo sidoo kale isku xirka ganacsiga labada gobol ee Mudug iyo Dolollo .

Heshiiskan ay gaareen maamulada Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan maamulka Puntland uu dhaafay canshuurta laga qaado gaadiidka ka yimaada dhinaca dowlad deegaanka ee alaabaha ka qaada dekadaha Puntland kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka Saciid Dani & taageerayaasha Villa Somalia oo gaba gabo marayo iyo kuraasta taal boosaaso oo … !!

admin

Akhriso: Galmudug oo Shirkadaha dayuuradaha siisay amar ka dhan ah Madaxda dowlada Somalia

Caydiid Ali

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---