Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil galabta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa galabta ku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho nin la sheegay inuu ahaa ganacsade.

Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee gaari gacanada ku wareejiya allaabada kala yar yar sida dadka suuqa ku sugnaa ay sheegeen.

“Rag bastoolado ku hubeysan ayaa rasaas ku furay ninkan oo watay gaari gacankiisa uu allaabada ku wareejiyo xilli uu ku sugnaa qeybta Bacadlaha ee Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri goob jooge ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto oo warbaahinta la hadlay.

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, markiiba, waxaana daqiiqado ka dib gaaray halkaas ciidamada amaanka ee DF oo sameeyey baaritaano kala duwan.

Weli ma cadda sababta iyo cida ka dambeysay dilkan oo ku soo aadaya xili todobaadkii hore lagu dilay degmada Wadajir nin dhaqtar ahaa oo markii dambe dilkiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa sarkaal ka tirsan Sirdoonka dharcada ah ee DF inkastoo aysan soo bandhigin cadeymo arrintaas ka marag kacaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Galmudug oo soo saaray amar ka dhan ah dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo maanta Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee ….

Cabdi Cade

Guddoonka Baarlamanka Somalia & madaxdii hore ee dalka oo kulan kale yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---