Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sacuudiga & dalal kale oo shaaciyey iney beri kow tahay bisha Ramadaan

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa goor dhow shaacisay in berri oo Jimce ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan

War ay soo saartay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa lagu shaaciyey inay sugnaatay dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan, sidaas darteedna uu maalinta Berri oo ku beegan 24-ka April ay tahay maalin Soonqaad

Sidoo kale waxa inay Berri Ramadaan tahay waxaa ku dhawaaqay dalalka Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait iyo dalal kale oo ka tirsan caalamka Islaamka

Dalka Cumaan oo ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa soo saaray war ayaa sheegaya in Berri ay u tahay 30-ka Shacbaan, Ramadaana uu bilaabanayo Maalinta Sabtida ah oo taariikhdu tahay 25ka Apriil.

Dalal badan oo ay ku jirto Somalia ayaan weli ka hadlin iney beri ay bilaabaneyso bisha Ramadaan iyo in kale, inkastoo la filayo iney saacadaha soo socda war ka soo saaraan.

88Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Kaamirooyinkii Dowlada ku xirtay Muqdisho oo saakay la qarxiyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo qarxisay Ceel biyood kuyaalla deegaan Dhawwaan laga saaray

Cabdi Cade

Wasiir Yair Lapid oo booqasho taariikhi ah ku tagay Imaaraadka Carabta (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---