Maamulka Galmudug oo soo saaray amar ka dhan ah dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Gariceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu amar kusoo rogay dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee kunool magaalooyinkaasi.

Sida wararka soo baxaya sheegayaan Maamulka Ahlu Sunna ee qeybta ka ah Galmudug kana taliya magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel ayaa amar ku bixiyay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed in ay si deg deg ah uga baxaan magaalooyinkaasi.

Maamulka ayaa dadkaasi gaar ahaan kuwa howlaha ganacsi u yimid ku eedeeyay in ay halis ku yihiin amaanka deegaanadooda, waxa ayna u qabteen maalmo kooban si ay uga baxaan magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel.

Kulamo ay yeesheen ganacsatada kasoo jeeda K/Galbeed iyo laamaha amaanka magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel ayaa is fahmi waa kusoo dhamaaday, waxaana amarkan uu saameyn ku yeelanayaa dad ganacsiyo iyo nolol kale halkaa ku heestay.

Amarkan kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uu ka dhashay ninkii bishii hore lagu qabtay magaalada Guriceel xili uu doonayay in uu is qarxiyo, ninkaasi ayaana la sheegay in uu kasoo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -