Isbitaalo cusub oo Muqdisho looga diyaarinayo bukaanada laga helo Coronavirus

Wasaarada Caafimaadka ee dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan isbitaallo cusub oo magaalada Muqdisho loo diyaarinayo inay qaabilaan bukaannada uu soo rito cudurka Coronavirus ee tiradooda sii kordheyso.

Qeyb ka mida Isbitaalka Banaadir ayaa lagu wadaa qalabeyn iyo diyaarin, taasoo qaadi doonta ilaa 200 sariirood oo loogu talogalay bukaannada uu soo rito Covid-19 sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Somalia Fowsiya Abiikar Nuur oo caawa saxaafada kula hadleysay Muqdisho.

Waxay kaloo sheegtay in la qorsheeyay in qaar ka mid ah isbitaalada kale ee Muqdisho lagula tacaali doono cudurka Coronvirus haddii xaaladu sii xumaato oo baahi badan ay timaado

Fowsiya ayaa intaas ku dartay in Isbitaalka Martiini si weyn loo qalabeeyay, isla markaana lagu diyaariyey dhaqaatiir iyo qalabkii loo baahnaa oo la isugu geeyay wixii ay dowladda Soomaaliya heysay.

Wasiirka Caafimaadka Somalia Fowsiya Abiikar Nuur ayaa dhinaca kale sheegtay ineysan jirin kiisas cusub oo maanta soo kordhay, ayna weli dadka laga helay cudurka tiradoodu joogto 164, iyadoo xustay in 3 ka mid ah dadkaas ay ka bogsadeen cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -