Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada oo Maanta lagu dilay Muqdisho

Koox hubeesan ayaa maanta Xaafad katirsan Degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku helnay dhalinyaro biskoolado ku hubeesnaa ayaa meel ku dhaw gurigiisa waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga oo lagu magacaabayay Farxaan Barkhad.

Kooxdii dilka u geesatay Sargaalkan Milatariga katirsanaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada kuwaa oo baaritaano aan natiijo kasii bixin sameeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto saraakiisha iyo ciidanka dowlada katirsan, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo dishay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab gaadiid dagaalkna ku…

Cabdi Cade

Muuse Jaamac Cige oo shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay 

Cabdi Cade

Galmudug oo shaacisay in uu fashilmay shirkii ka socday Garawe (Akhriso War Saxaafadeed)

admin
Taboola Ads ---