Maraykanka oo DF ku wareejiyey deeq loogu talo galay ka hortaga COVID-19 (Sawirro)

Dowladda Mareykanka ayaa maanta  ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya deeq ka kooban qalab caafimaad oo  loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19  oo dhibaato ku haya caalamka.

Deeqdan ayaa isugu jirtay 350 sariirood, firaashyo iyo qalab kale oo looga hortagayo xanuunka Coronavirus ee dhibaatada ku haya caalamka, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa xakameynta cudurka, waxaana dowladda Mareykanka ay soo marisay deeqdan hey’ada USAID oo ka mid ah hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur oo qalabka la wareegtay ayaa uga mahadcelisay hey’adda USAID oo deeqada soo gaarsiisay, waxaana ay tilmaamtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka, iyadoo xustay in deeqdan ay wax weyn ka tareyso ka hortaga cudurkan.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto ayaa yiri: “Mareykanka waa ku faraxsan yahay inuu caawiyo dowladda Soomaaliya waqtigaan adag. Xarummaha karantiilka ee sida fiican loo qalabeeyay oo bukaannadu si wanaagsan loogu xannaaneeyo oo si ammaan ah oo raaxo leh loogu kala maqan yahay, waxay gacan ka geysan doontaa xaddidaadda faafitaanka COVID-19 dalka oo dhan.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -