Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka oo u baxsaday Kuuriyada Woqooyi

Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Kuuriyada Koonfureed oo wajahayay tillaabo anshax marin ah ayaa u baxsaday Kuuriyadda Waqooyi, isagoo ka talaabay xadka labada Kuuriya.

Waxaa la rumeysan yahay inuu ku jiro xabsiyada Kuuriyada Waqooyi sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka, waxayna arrintan qalalaase hor leh ka dhex u abuuraysaa Washington iyo Pyonyang.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa walaac ka muujiyay talaabada askariga, kaasoo millatariga Mareykanka ee Kuuriya Koofureed ay sheegeen inuu ku jiray socdaal anshax marin ah oo loo geeyey Aagga Amniga Wadajirka ah ee u dhexeeya labada Kuuriya, isagoo si bareer ah oo oggolaansho la’aan uga gudbay Khadka Xadaynta Militariga ee Kuuriyada Woqooyi.

“Waxaa jira wax badan oo aan wali isku dayeyno inaan barano,” Austin ayaa ku sheegay warbixin kooban. “Waxaan aaminsanahay inuu ku jiro xabsiga (Waqooyiga Kuuriya) sidaas darteed waxaan si dhow ula soconaa oo aan baaraynaa xaaladda waxaanan ka shaqeyneynaa inaan ogeysiinno qaraabada askariga.”ayuu intaas ku daray.

Colonel Isaac Taylor, oo ah afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Kuuriya, ayaa sheegay in militarigu ay la shaqeynayaan dhiggooda Koonfurta Kuuriya si loo xalliyo dhacdadan.

Wargeyska Dong-a Ilbo ee ka soo baxa Kuuriyada Koonfureed, isagoo soo xiganaya ciidamada Kuuriyada Koonfureed, waxa uu qofkaasi ku sheegay magaciisa ku sheegay Travis King, oo ah askari Maraykan ah oo darajadiisu tahay midaa labaad ee gaarka ah. Wargeyska ayaa markii dambe tirtiray magaca.

Aagga Amniga Wadajirka ah ayaa ku yaal xadka aagga militariga ka caaggan ee kala qeybiyay labada Kuuriya tan iyo dhammaadkii dagaalkii Kuuriya 1950-53.

Ninkan ayaa la socday koox booqdayaal ah oo ay ku jiraan dad rayid ah tuulada Panmunjom markii uu si lama filaan ah u dul istaagay xariiqda calaamadda xuduudka halkaasoo uu ka talaabay sida ay sheegeen wargeysyada Donga iyo Chosun Ilbo, iyagoo soo xiganaya ilo ka tirsan ciidamada Kuuriyada Koonfureed.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horey ugu sheegtay muwaadiniinta Mareykanka in aysan galin Kuuriyada Waqooyi “sababo la xiriira khatarta sii socota ee xariga iyo haynta muddada dheer ee muwaadiniinta Mareykanka.”

Otto Warmbier oo Maraykanka ahaa ayaa waxaa xiray mas’uuliyiinta Kuuriyada Waqooyi xilli uu socdaal ku marayay dalkaas sannadkii 2015-kii, wuxuuna dhintay sannadkii 2017-kii, maalmo kaddib markii laga soo daayay Kuuriyada Waqooyi oo uu ku laabtay Mareykanka isagoo koomo ku jira.

 

- Advertisement -