Hantiile Jack Ma oo qeybtii Saddexaad ee qalab Caafimaad ah ugu deeqay Afrika

Ganacsadaha u dhashay dalka Shiinaha ee caanka Jack Ma ayaa ku dhawaaqay in qeybtii saddexaad ee deeq Qalab caafimaad ah oo looga hortegayo cudurka Covid-19 siinayo dalalka Qaaradda Afrika.

Qoraal uu soo diray Ganacsadahan oo ah asaasaha shirkadda weyn ee Alibaba ayuu ku sheegay in si wadajir ah looga guuleysan doono cudurka Coronavirus.

Qeybtan cusub oo si degdega ah loo gaarsiin doono Midowga Afrika ayaa ka kooban 4.6 Milyan oo gaafur-xir ah (Masks), 500, 000 qalabka baaritaanka lagu qaado, 300 Mishiinada oo neef-kaaliyeyaal ah (ventilators), 200,000 oo dharka Isku-joogga ee dhaqaatiirtu xirtaan ah, 2000 oo qalabka kulka lagu cabiro ah, 100 Scan oo kulka dadka lagu ogaado iyo 500,000 oo ah gacmo-gashi ah ayaa lagu wareejin doonaa Midowga Arika iyo hay’adda racsan Africa CDC.

Qeybtii labaad ee Ganacsadahan maalqabeenka ah oo 54 dal ee Afrika hore loo gaarsiiyey ayaa waxaa ku jiray 500 Mishiinada oo neef-kaaliyeyaasha (ventilators) ah iyo Hal Milyan oo qalabka baaritaanka lagu smeeyo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -