Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada sheegtay in gacanta ku dhigtay sargaal katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano la socday

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen sargaal katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano la socday.

Taliyaha Ciidanka dhulka Jen. C/xamiid Maxamed Dirir ayaa arbaahinta u sheegay in ciidanka milatariga gacanta kusoo dhigeen madaxii Zakawaadka Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo dagaalyahano la socday .

Jen. C/xamiid Maxamed Dirir ayaan soo bandhigin magaca sargaalka katirsan Al Shabaab ee qabteen, waxa uuna xusay in ciidamada milatariga Sargaalkaasi la qabteen 7-dagaalyahan oo la socday.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ayaa horey u sheegay in ay dileen sidoo kale gacanta ku dhigeen saraakiil iyo dagaalyahano kale oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare ku-xigeenka Somalia & wafdi uu horkacayo oo soo gaaray Magaalada London (Daawo Sawirro)

admin

(Faahfaahin) Nin Yuhuudi ah oo lagu dilay Magaalada Abu Dhabi

Caydiid Ali

Wabiga Shabelle oo ku fatahay degmada Afgooye iyo degaano hoos taga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---