Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka Mamnuucday cabista & ka ganacsiga shiishada

Dowlada Sweden ayaa soo saartay sharci dalkaas looga mamnuucayo goobaha lagu cabo shiishada iyo ka ganacsiga keenista wadanka.

 

Sweden ayaa hada laga cabaa shiishada ama Badeecada taasoo loo furtay Xarumo loogu tala galay in lagu cabo iyadoo dadka ugu badan ee caba ay yihiin dadka Ajaanibta ah ee ka soo jeeda afrika iyo Asia.

Sharciga Cusub ee Mamnuucaya Shiishada ayaa dhaqan galaya bisha July ee soo socota iyadoo xiligaasi wixii ka dambeeyo ay dambi noqoneyso cabista shiishada si lamid ah Qaadka oo hore laga mamnuucday Sweden.

Saameynta ugu badan ee mamnuucida Shiishada waxay wajaheysaa dadka ajaanibta oo ugu horeyaan Carabta iyo Soomaalida kuwaasoo xarumo waaweyn u furtay in lagu cabo shiishada.

Sweden ayaa dhowr sano kahor sidaani oo kale u mamnuucday Cunista qaadka iyo ka ganacsigiisa taasoo dad badan saameyn ku yeelatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -