Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday Fadhi-gaab

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ayaa ugu horrayn waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah usoo jeediyey hormuudka beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay in la joogo maalintii bulshadu midoobi lahayd.

“Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.”ayuu yiri Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho iyo xog ku aadan halka uu aaday

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

Caydiid Ali

Masuuliyiin Dhul Boob kawaday Suuq kuyaala Muqdisho oo laga hortagay iyo Caanaboore oo ka hadlay

admin
Taboola Ads ---