Dowlada Somalia oo shaacisay in ay ogtahay Shakhsiyaad ku howlan in ay xasilooni daro ka abuuraan ….

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale loona diray Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu xusay in ay jiraan shakhsiyaad doonaya in xasilooni daro ka abuuraan magaalada Baydhabo.

Wasaarada Amniga Qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay jiraan shakhsiyaad ku howlan handadaada bulshada  iyo faldambiyeedyo ka dhan ah xasiloonida iyo degenaanshaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan Baydhabo.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Amniga laguma sheegin magacyada shakhsiyaadka la sheegay in ay ku howlan yihiin fal dambiyeedyada, waxaana Wasaarada Amniga Koonfur Galbeed la faray in ay gudato waajibkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -