Al Shabaab oo soo bandhigtay meydadka askar ay dagaal ku dileen (Daawo Sawirada)

Xarakada Al Shabaab ayaa degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose kusoo bandhigay meydadka askar ay sheegeen in ay katirsanaayeen ciidamada Jubbaland oo lagu dilay dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa sheegay in weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland kuna dileen 12-askari, waxa uuna xusay in shan kamid ah meydadka askartaasi la dilay horey usoo qaateen Al Shabaab.

Fagaare kuyaala Jamaame ayaa lagu soo bandhigay meydadka askarta la dilay iyo hubkii ay wateen, waxaana fagaaraha lagu soo bandhigayay isugu soo baxay dadweyne badan waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo ka hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay meydadka ayaa tilmaamay in khasaaro xoogan gaarsiiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland , waxa ayna saraakiishaasi sheegeen in dagaalka sii wadi doonaan.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan askarta looga dilay ee ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, deegaanka Baarka ayaana marar badan waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada huwanta iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -