Caro ka dhalatay Dhaqtarad u geeriyootay Carona oo la diiday in lagu aaso Qabuuro !!

Dalka Masar waxaa ka dhacay dhacdo dad badan ka careesiisay kadib markii Dhaqtarad la sheegay in ay u geeriyootay caabuqa Caronavirus loo diiday in lagu aaso qabuuraha deegaankii ay ku nooleed.

Dadka kunool deegaanka Shubra el-Bahou ee Nile Delta ee dalka Masar ayaa diiday in qabuuraha deegaankaasi lagu aaso dhaqtarad Sonia Abdelazim, oo 64-sabo jir aheyd oo jimcihii geeriyootay.

Warbaahinta Masar ayaa ku warantay in dadka deegaanka ay is hortaag ku sameeyeen ambalaastii waday meydka Dhaqtarada geeriyootay xili la doonayay in qabuuraha lagu aaso, waxaana halkaasi ka dhashay rabshado.

Ciidamada booliiska Masar oo soo gaaray qabuuraha ayaa dadkii diidanaa in meydka qabuuraha lagu aaso u adeegsaday sun iyo awood dheeraad ah, waxaan amarkii dambe lagu guuleestay in meydka lagu aaso qabuuraha.

Ra’isul Wasaaraha dalka Masar ayaa si kulul u cambaareeyay falkan xushmad darada ah ay ku dhaqmeen dadka deegaanka Shubra el-Bahou , waxa uuna dadkaasi ku tilmaamay kuwa xushmad laawayaal ah.

Sheekha ugu wayn ee Muslimiinta Sunniga ee Masar, Sheekh Axmed al-Tayeb, ayaa sheegay in waxa dhacay ay aheyd wax xun oo aan ku habboonayn akhlaaqda bini’aadamnimada iyo diintaba.

Waxaa sidoo kale falkaaci ka carooday si weyn u cambaareeyad dad kala duwan oo u dhashay dalka Masar , waxa ayna inta badan dadku ku baaqayeen in lasoo afjaro takoor lagu sameenayo dadka uu haleelo iyo kuwa u dhinta Caronavirus.

Dadka xushmad darada kula kacay dhaqtarada la sheegay in ay u geeriyootay Caronavirus ayaa la tilmaamay in ay ka cabsanayeen hadii qabuuraha lagu aaso in uu ku faafo cudurkaasi gudaha deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -