Nin xirnaa funaanad lagu qoray astaanta Somalia oo lagu xiray Somaliland (Sawirro)

Magaalada Gabiley ee maamulka Somaliland ayaa waxaa la soo sheegayaa in caawa lagu xiray Nin xirnaa funaanad ay ku qoran tahay Magaca iyo calanka Soomaaliya.

Ciidanka nabad sugida Somaliland ayaa la sheegay iney qabteen, ka dibna u kaxeeyeen saldhiga magaalada inkastoo aan la ogeyn in la xiray iyo iney markii dambe iska sii daayeen.

Ninka la xiray ayaa la sheegay inuu ahaa qof socoto ah oo aan ka mid aheyn shacabka degen magaalada Gabilay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninkan la qabtay isagoo fadhiya maqaayad uu ka casheynayey oo ku taalla magaalada, halkaasoo markii dambe laga dhaadhiciyey.

Dhowr bilood ka hor ayey aheyd markii magaalada Hargeysa sidan oo kale lagu qabtay nin xirnaa funaanad lagu sawiray calanka iyo astaanta Somalia kaasoo xirnaa muddo todobaad ah.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili dhowaan dalka Jabuuti ay DF iyo maamulka Somaliland ku kala saxiixdeen heshiis qodobadiisa uu ka mid ahaa inaan siyaasad loo dhibaateyn dadka socotada ah ee labada dhinac u kala gooshaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -