Diyaarad ka timid Imaaraadka oo goordhaw kasoo degtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho goordhaw soo gaarsiisay qalab caafimaad oo loogu tala galay kahor taga Caabuqa Caronavirus oo hada kusii faafaya magaalada Muqdisho.

Diyaarad siday qalabkan caafimaad ayaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradan garoonka kusoo dhaweeyay lana wareegay qalabkii ay siday masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Waa markii ugu horeesay Imaaraadka Carabta gar gaar soo gaarsiiyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya tan iyo markii uu xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyay dowladaha  Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta .

Imaaraadka ayaa dhawaan sidaan oo kale diyaarado siday qalab caafimaad oo loogu tala galay kahor taga Caronavirus ka dejisay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa ee maamulada Puntland iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -