Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku baaqay in Wadahadal lala galo Al Shabaab

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Sheerdoon Saacid ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in wadahadal la galaan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Mr Saacid in dowlada federaalka looga baahan yahay xiligan in ay la timaado qorshe cad oo looga adkaan karo dagaalyahanada Al Shabaab ama raadiso xal nabadeed oo wadahadal ku yimaada.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab yihiin koox awood badan oo la kari waayay, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay hadii laga adkaan waayay kooxdaasi lagu dayo wadahadal toos ah.

“Wada-hadal toos ah in Al Shabaab lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari  waayay, waxaana fiican in laga guuleysto, nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo, in wadahadal lagu dayana waxaana qabaa in xalalka caadiga ah ka mid tahay,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare hore Saacid.

Waxa uu sidoo kale sheegay in looga baahan yahay Dowlada hada heysa talada dalka in ay la timaado qorshe milatari oo looga adkaan karo kooxda Al Shabaab ama raadiso qorshe siyaasadeed sida wadahadal in lagu soo afjaro colaada.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal dhiig badan ku daatay, mana jiro ilaa hada wadahadal toos ah ay labada dhinac ka yeesheen colaada ka dhax aloosan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -