Kiisas hor leh oo cudurka Caronavirus oo laga helay deegaanada Somaliland

Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka maamulka Somaliland ayaa war ay soo saartay ku shaacisay in kiisas hor leh oo cudurka Caronavirus in laga helay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in baaritaano lagu sameeyay dad looga shakiyay caabuqa Caronavirus laga helay sadex qof oo kamid ahaa halka kuwa kalana laga waayay.

Waxa uu sheegay Wasiirka sadexda kiis ee laga helay Somaliland labo kamid ah laga helay magaalada Hargeysa halka midka kalana laga helay magaalada Boorama, waxa uuna sheegay in dadkan hada xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Kiisaska cudurka Caronavirus ee laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaaraya ilaa 5-kiis, waxaana horey maamulka Somaliland u xaqiijiyeen in labo qof laga helay , Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaana wali ka hadlin kiisaskan laga helay Somaliand.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -