Booliska Kismaayo oo xiray nin been yaab leh ku baahiyey Baraha bulshada (Sawirro)

Ciidanka Booliiska Jubbaland ayaa xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo aaladda Tik Tok ku faafiyay muuqaal uu isagu iska duubay oo uu ku sheegay inuu Kismaayo ku noolyahay nin ay xaas u tahay gabadh uu aabbe u yahay, isla markaasna ay carruur u dhashay.

Ninkan ayaa laga soo qabtay magaalada Dhoobley, kadibna diyaarad ayaa Kismaayo lagu geeyay, halkaasoo lagu xiray.

“Arintaas markii Ciidanka Booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen waxay noqotay mid aan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo bog ciidanku leeyihiin lasoo dhigay.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkani dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayuu ku qiranayaa in warkii uu horey TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah oo uu doonayey inuu ku soo jiito daawadeyaal badan ama views

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -