Dhaqtar caan ah oo Qaliin ku dilay Hooyo iyo cunug caloosheeda ku jiray

Dhaqtar caan ah oo u dhashay dalka Hindiya kana howl galayay isbitaal kuyaala gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya ayaa xabsi la dhigay, kadib markii lagu eedeeyay in isaga oo cabsan uu qaliin ku sameeyay Haweeney xaamilo aheyd.

Dr PJ lakhani oo kamid ah dhaqaatiirta ugu khibrada badan uguna caansan dalka Hindiya ayaa isaga oo cabsan waxa uu qaliin ku sameeyay Haweeney xaamilo ah, waxaana la sheegay in qaliinka kadib uu dhintay cunuga yar kadibna hooyadii iyana dhimatay.

Ciidamo booliiska Hindiya katirsan oo Isbitaalka soo gaaray ayaa baaritaano ay dhaqtarka ku sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in uu khamri cabsanaa markii uu sameenayay qaliinka geerida sababay.

Booliiska ayaa hada baaritaan ku sameenaya in haweeneyda iyo cunugeeda ay dayac u dhinteen ama ay sababtay xaalad caafimad oo soo wajahday, waxaana kiiska dhaqtarkan ku xirnaan doontaa natiijada baaritaanka kasoo baxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -