Allbanaadir.com
NEWS

Guudle Max’ed Nuur iyo darawalkiisa oo la dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ey manta barqadii ku dileen meel ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Col. Guudle Max’ed Nuur oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidanka nabad sugida Somalia.

War kooxdu ay soo saartay ayey ku sheegatay in sarkaalkan oo ay sheegeen inuu ahaa ku simaha taliyaha Nabad sugidda degmada Afgooye iyo nin darawal u ahaa ay ku dileen halka loo yaqaan Doonka oo dhaca duleedka degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney la wareegeen gaari iyo hub ay sheegeen inuu watay sarkaalka la dilay.

hase ahaatee Xubno ka tirsan ehelada sarkaalka la dilay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Col. Guudle Max’ed Nuur uu ka tirsanaa saraakiishii dowladii hore ee milateriga, uusana la shaqeynin dowladihii dalka soo maray sanadahan dambe, iyagoo xusay inuu ahaa nin beeraley ah oo aan siyaasad iyo ciidan ku lug laheyn.

Dowlada Somalia kama hadlin dilka sarkaalkan, mana jiraan warar madax oo sheegaya inuu ka tirsanaa saraakiisha la shaqeysa dowlada iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo kulan la qaatay Wasiirro katirsan DF iyo Dowlad goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Khaatumo oo meel xun gaaray iyo eedeyn la isku jeediyay

Cabdi Cade

Guutooyinka Cumar Binu Qadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib oo dhiirogelin loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---