Lamaane Soomaaliyeed oo dhigtay Aroos ay kasoo qeyb galeen sadex qof oo kaliya !!

Cudurka Caronavirus ayaa saameyn badan oo muuqata ku yeeshay dunida, waxaana sababo la xariira cudurkan bandow loo galiyay balaayiin dad ah , waxaa sidoo kale la joojiyay in dadku isugu yimaadana xaflado iyo kulamo intaba.

Lamaanayaal badan oo qorsheestay in ay dhigtaan aroos oo daafaha dunida kunool ayuu saameyn ku yeeshay cudurkan dib u dhacna u keenay guurkooda kuwaa oo wali ka wal walsan ilaa waqtiga lagu jiri karo xaaladan adag.

Soomaali badan oo kunool Qurbaha ayaa kamid ah dadka uu saameynta ku yeeshay bandowga lasoo rogay, waxaana dib u dhac ku yimid guurka lamaane Soomaaliyeed oo qorsheestay in bisha Ramadaan kahor is guursadaan.

Lamaane Soomaaliyeed oo kunool dalka Dalka Autsralia ayaa go’aansaday in arooskooda dhigtaan iyada aysan la joogin ehelkooda iyo asxaaboota, waxaana arooska lamaanahan kaliya goob joog ka ahaa labo Malxiis iyo muuqaal duube.

Maxamed Yuusuf iyo Sucaad Xasan ayaa qorsheenayay in ay dhigtaan aroos ay kasoo qeyb galaan dad ka badan 400-qof kuna baxdo lacag badan, hasa ahaatee qorshahooda ayaa fashilmay kadib markii Carona owgiis loo mamnuucay xafladaha arooska iyo kulumada.

Lamaanahan ayaa go’aansaday in arooskii ay qorsheesteen mid ka duwan dhigtaan maadaama aan la ogeyn xiliga xaalada isbadaleyso, waxa ayna dhigteen aroos ay kasoo qeyb galeyn sadex qof kale .

“Shan qof ayay noqotay inaan aroos ku dhiganno guriga dhexdiisa,, shantii qof waxay noqotay aniga, xaajigeyga, labadii Manxiis iyo waliba qofkii muqaalka noo duubayay, sidii loo dhigan jiray ayaan u dhiganay inkastoo uu qarash noo baaqday,” ayay tiri Sucaad.

Sucaad Xasan oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in arooskooda u dhacay sida aroosyada kale ee caadiga ah marka laga reebo in aysan kasoo qeyb galin eheladooda iyo dad kale oo badan.

“Qaabka waxaa uu ahaa, casho sharaf ayaan sameysanay,shanteena qof ayaana ka qeyb galnay oo qof lixaad xitaa ma jirin, shanteena qof ayaa sidii uu aroos u dhici jiray u dhiganay, uudkii ayuu xirtay xaajigeyga anigana waxaan xirta Taashkeyga, labo manxiis ayaan soo kaxeysanay, manxiis dhankiisa ka socda iyo manxisad dhankeyga ka socota, waxaan shidanay sameecadihii iyo wixii oo dhan,” ayay tiri sucaad.

Gabadhan ayaa sheegtay in markii hore arooskooda qorsheeyeen in ay kasoo qeyb galaan boqolaal qof una qoondeeyeen lacag gaareysa 20-kun dollar balse hada u baaqatay lacagtaasi ayna ka baxday kaliya lacag gaareysa Kun Dollar.

“Qarashka hore waxaa la kireynayay Huteel,waxaa imaanayay ilaa 400 oo qof oo ka soo qeyb galeysay marka lacagta aad ayay u badan tahay ilaa 20 kun oo doolar ayaan ugu talagalay, hadda waxaa naga baxday waxaan dhaneyn 1000 doolar, 20 kun ee doolar ee aan ugu talagalay way ii baaqatay,” ayey tiri Sucaad.

Lamaanahan ayaa ugu baaqay kuwa iyaga lamidkah ee qorsheenayay in aroos weyn dhigtaan in ay ka tanaasulaan ayna iska galaan aroos kooban maadama aan la ogeyn xiliga laga baxayo xaaladan ka dhalatay Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -