Ciidamadii qabsaday Janaale oo lagu eedeeyay in tacadi fool xun geesteen

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo dhawaan dagaal kula wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa durba lagu eedeeyay in halkaasi ka geesteen tacadi aad u fool xun.

Askar katirsan ciidanka milatariga ee jooga Deegaanka Janaale ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar yar oo 13-sano jir ah iyo haweeney Xaamilo aheyd oo la sheegay in ay kala degeen gaari ay la socotay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, Xassan Macallin Cumar, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ciidamo katirsan milatariga kufsi fool xun u geesteen gabar 13-sano jir ah iyo haweeney iyana xaamilo aheyd.

Waxa uu sheegay Xasan Macalin in xaalada gabadha yar ee la kufsaday aad u daran tahay, waxa uuna tilmaamay in gabadha iyo haweeneyda kale ee kufsiga loo geestay la keenay magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin kufsigan lagu eedeeyay ciidanka milatariga ee la wareegay deegaanka Janaale, waxa uuna kufsigan kusoo aadayaa xili dhawaan degmada Afgooye kufsi fool xun loogu geestay labo gabdhood oo saqiiro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -