Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ayaa wali kusii qul qulaya xarunta Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanadan maanta dooranayaan Gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka kadib is casilaadii Gudoomiyihii hore.
Xarunta Golaha Shacabka waxaa hada gaaray Xildhibaano badan kuwaa oo isku diiwaan galiyay in codkooda dhiibtaan, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan xarunta soo wada gaaraan Musharaxiinta Gudoomiyaha golaha Shacabka.
Doorashada Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaana la filayaa in daqiiqadaha soo aadan ka bilaabato xarunta Golaha Shacabka, waxaana doorashadan ku tartami doona 11 Musharax oo kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle.
Doorashada maanta dhaceysa ayaa ah mid aan sidaa u xamaasad badneyn marka loo eego doorashooyinkii horey dalka uga dhacay, waxaana inta badan la saadaalinayaa musharaxa kursigan kusoo bixi doona.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha doorashada kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com