Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arusha kaga qeyb galay Madal heer sare ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.

Related posts

Xog ku saabsan shaqsiga loo badinayo in loo magacaabo Raisul Wasaaraha Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada PSF oo soo bandhigay Muuqaalada Dagaalyahano Ajnabi ah oo Daacish ku biiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---