Allbanaadir.com
NEWS

Horumar la taaban karo oo laga gaaray wadahadalkii Qaahira ee xabad joojinta Gaza

Wadahadallada Qaahira ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loo gaaro xabbad joojin iyo heshiis la haystayaal ah ayaa laga gaaray “horumar la taaban karo” iyo is afgarad laga gaaray qodobbo badan oo la isku khilaafsanaa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Masar ee Al Qahera News, iyadoo soo xiganeysa sarkaal sare oo Masar ah.

Sarkaalku wuxuu xaqiijiyay iney sii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed” Gaza.

“Wareega wada xaajoodka Qaahira waxa uu marag u yahay horumar weyn oo laga sameeyay isu soo dhawaynta fikradaha, lakala qabay” ayey tiri warbaahinta Al Qahera oo soo xigatay ilo-wareedyo ku dhow kulankaas, iyadoo intaa ku dartay in la isku afgartay qodobo xasaasi ah oo u dhexeeya dhammaan dhinacyada.”

Xogtu waxa ay sheegtay in wufuudda Qatar iyo Xamaas ay ka bixi doonaan Qaahira, isla markaana ay ku laaban doonaan laba maalmood gudahood, si ay ugu heshiiyaan qodobbada ugu dambeeya ee heshiiska. Wufuudda Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ku bixi doona saacado gudahood, inkastoo wada-tashigu uu socon doono 48-ka saacadood ee soo socda, ilo-wareedka ayaa u sheegay Al Qahera.

Xamaas ayaa sheegtay Axaddii inay jeclaan lahayd inay aragto joojinta gardarrada oo dhammaystiran. Kooxda ayaa sidoo kale ku celisay dalabaadkeeda, oo ay ku jiraan ka bixitaanka ciidamada Israel ee Gaza, ku noqoshada Falastiiniyiinta ka barakacay guryahooda, dib u dhiska burburka Gaza ee militariga Israel, iyo “dhamaystirka heshiiska isdhaafsiga maxaabiista

Israa’iil ayaa marar badan ku tilmaantay dalabaadka Xamaas mid dhalanteed ah.

Related posts

Museveni oo Madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabaad siiyo kooxda Daacish

Caydiid Ali

Dalal qaabilay tahriibayaal Soomaali u badan oo muddo ku go’doonsanaa Badweynta

Caydiid Ali

Shirka Dhuusomareeb waa Fursadii ugu dambeesay ee Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade