Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland (Daawo Sawirro)

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay ciidamo la sheegay in ay kasoo goosteen maamulka Somaliland, waxaana ciidankan soo goostay lagu soo bandhigay deegaan katirsan gobolka Sool.

Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo katirsan maamulka Puntland ayaa ciidamadan soo goostay waxa ay uga hortageen kuna soo dhaweeyeen deegaanka Hadhwanaag oo katirsan gobolka Sool.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadan xagooda usoo goostay in ay gaarayaan 110 askari oo ka tirsanaa Guutada Gacan Libaax ee Taliska Guud ee Milateriga Somaliland, inkastoo ciidamada lasoo bandhigay ay aad u yaraayeen.

Ciidamadan Somaliland kasoo goostay waxaa hogaaminayay sargaal lagu magacaabo Dhamme C/llaahi Cabdi Cali, waxa uuna sheegay sargaalkan in awooda Somaliland ku joogtay gobolka Sool iyagu ahaayeen.

Maamulka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin ciidamadan kasoo goostay ee ku biiray dhinaca Puntland, mana ahan markii ugu horeesay ciidamo katirsan Somaliland usoo galaan dhinaca Puntland.

Ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku horfadhiya deegaano katirsan gobolka Sool, mana jiro waan waan muuqata oo lagu kala qaadayo ciidamada is hor fadhiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Gudoomiye cusub u Magacaabay Gedo

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo warbixin ku soo bandhigtay shirka Arab Forum For Equality (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka Galmudug oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay degaanka Camaara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---