War cusub: Kenya oo gubtay Qaad tahriib lagu soo gelin rabay Somalia (Sawirro)

Ciidanka Badda Kenya ee ku sugan saldhig ku yaalla gobolka xeebta ee Lamu oo aad ugu dhow xadka Somalia-Kenya, ayaa halkaa ku gubey Qaad fara badan oo loo wadey dalka Somalia sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaas.

Qaadka la qabtay ayaa la sheegay inuu kacay adduun lacageed dhan 25 milyan oo ah lacagta Kenya ah.

Qaadka oo lagu siday labo Doonyood ayaa waxaa ka hadlay masuulka dowlada Kenya u qaabilsan degaankaas Irungu Macharia oo tilmaamay inay kooxihii Qaadka tahriibinayey ay sheegeen inay dhir la isku daweeyo u wadaan magaalada xadka ku taalla ee Kiunga, balse ay iyagu xogta horey u heleen.

Waxaa uu sheegay inay dhaqan gelinayaan qorshaha lagu yareynayo faafitaanka Covid-19 oo ay ku jirto hakinta isu socodka labada dal ee Kenya iyo Somalia

In la arko Kenya oo gubaysa Jaad u socday Somalia ayaa ah talaabo lama filaan ku noqotay dad badan, waxayna qeyb ka tahay wejiyada cusub ee uu caalamka ku soo kordhiyey Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -