Xabsi iyo ganaax lacageed oo lagu xukumay Odayaal iyo Siyaasi dhaliilay Maamulka Siciid Deni

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ee Puntland, ayaa maanta xukunno kala duwan oo isugi jira xabsi iyo ganaax lacageed ku ridday, Siyaasiyiin iyo Odayaal caan ah oo kasoo jeeda gobolka Bari.

SiyaasiĀ Muuse Cali Jaamac iyo Odayaal dhaqmeed kale oo mudooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Boosaaso ayaa lagu riday xukuno xabsi ah iyo ganaax lacageed, waxaana lagu eedeeyay kicin dadweyne iyo dambiyo kale.

Maxkamada darakada koobaad ee gobolka Bari ayaa min laba sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay ku riday Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Waxa sidoo kale Maxkamada min saddex bilood oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500 oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Odayaasha iyo Siyaasiga xukunka lagu riday ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedeen heshiiska Imaaradaka lagula wareejiyay Dekadda Boosaaso, waxa ay sidoo kale dhaliileen hab dhaqanka maamulka Saciid Deni Hogaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -