COVID-19 oo Dadkii ugu badnaa hal maalin ku dilay Maraykanka & Britain

Mareykanka ayaa noqaday dalka dadka ugu tirada badan ay hal maalin ugu dhinteen cudurka Corona guud ahaan caalamka.

Waxaa shalay oo kale cudurka Corona ugu dhimatay dalka Mareykanka in ka badan 1,800 oo qof.

Waxaa tirada guud ahaan dalka Mareykanka ugu dhimatay cudurka Corona ay imika gaaraysaa ku dhawaad 13,000, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins.

Dalka Mareykanka kiisaska uu ilaa iyo imika cudurka so ritay ayaa gaaraya 398,000, waa tirada ugu badneyd guud ahaan caalamka .

Magaaalada New Yorka ayaa noqotay magaalada tirada ugu badan ay ugu dhintaan cudurka Corona.

Shalay oo kali ah waxaa magaalada New York ku geeriyootay dad tiradoodu ay gaarayso 731 qof.

Dhinaca kale, wadanka UK ayaa isagana waxaa 24kii saac ee ugu dambeeyey ugu dhintay COVID 19 dad gaaraya 938 qof, waana tiradii ugu dambeyd ee maalin kaliya laga diiwaan geliyo dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -