Boqorka Cuudka Soomaaliya oo u geeriyooday Xanuunka Caronavirus

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal kuyaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ku geeriyooday Al Fananaan muusikiiste Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa.

Xudeydi oo ahaa  rug caddaa dhinaca fanka iyo muusigga ah ayaa u geeriyooday caabuqa Caronavirus oo ku dhacay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa lagula tacaalayay isbitaal kuyaala magaalada London.

Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaaliya, waxaana loogu magac daray Boqorka Cuudka uu macalin ku ahaa.

Cudurka Caronavirus ayaa dalalka Yurub ku dilay Soomaali badan ay ku jiraan dad magac iyo maamus ku lahaa siyaasada ,Ciyaaradaha iyo Fanka, waxaana wali isbitaalo kuyaala Yurub wali xanuunkan la jiifa Soomaali badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -