Rag lagu eedeeyey iney la shaqeynayeen Sirdoonka Israel oo xukun dil ah lagu duliyey

Mas’uuliyiinta Iran ayaa dilay afar qof oo lagu eedeeyay inay u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka ee Mossad ee Israa’iil, wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sheegtay. Saddex kale oo lagu xukumay xabsi dheer.

IRNA waxa ay sheegtay in Ilaalada Kacaanka ee awoodda badan ee dalkaas ay ku dhawaaqday in la xiray shabakad lala xiriiriyay sirdoonka Israel. Waxay sheegtay in xubnahaasi ay hore u gaysteen dambiyo hore oo ay isku dayeen in ay khalkhal galiyaan amniga dalka.

Israa’iil iyo Iran ayaa ah cadow soo jireen ah oo gobolka ah, waxaana Iran ay mararka qaar ku dhawaaqdaa in la xirayo dad ay ku sheegtay inay u basaasayeen dalal shisheeye oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Israa’iil. Tehran ma aqoonsana Israel waxayna taageertaa kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Israel ee bariga dhexe, sida Xisbullah iyo Xamaas.

Xubnaha Shabakaddan ayaa lagu eedeeyey inay xadeen oo burburiyeen hanti gaar ah iyo mid dadweyne, waxayna sidoo kale afduubteen shaqsiyaad iyagoo su’aalo weydiinaya, sida warbixinta lagu sheegay. Iran ayaa sheegtay in basaasiinta lagu eedeeyay inay haysteen hub ayna ka heleen mushahar sirdoonka Mossad..

IRNA waxay ku sheegtay maxaabiista la toogtay magacyadooda Hossein Ordoukhanzadeh, Shahin Imani Mahmoudabadi, Milad Ashrafi iyo Manouchehr Shahbandi. Saddex kale oo ka tirsan kooxda ayaa lagu xukumay min shan ilaa 10 sano oo xarig ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka,. Waxaa la xiray oo lagu xukumay dil bishii Juunyo iyaga oo lagu eedeeyay wadashaqeyn sirdoon oo ay la lahaayeen Israa’iil.”

Maxkamada Kacaanka ayaa la aas aasay sanadkii 1979-kii Kacaankii Islaamiga ahaa, waxaana ay caan ku aheyd ciqaab adag oo ay ku fuliso kuwa ka soo horjeeda Hogaamiyaasha Wadaadada Iran. Sida laga soo xigtay Amnesty International, Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay ugu yaraan 314 qof sanadkii 2021, taasoo ka badan kala bar guud ahaan xukunada dilka ah ee gobolka laga diiwaan galiyay bariga dhexe sanadkaas.

Iran iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay basaasnimo. Israa’iil ayaa Iran u aragta khatarteeda ugu weyn, waxayna marar badan ku hanjabtay inay qaadi doonto tillaabo militari oo looga hortagayo in Iran ay hesho hubka Nukliyeerka. Iran ayaa beenisay inay raadinayso hubkan, waxayna wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto duulaan kasta oo Israel kaga yimaada.

Bishii Janaayo, Israa’iil waxay sheegtay inay jabisay basaas u dhashay Iiraan oo dumarka Israa’iil ka qora baraha bulshada si ay u sawiraan baraha bulshada, sirdoonna u ururiyaan oo wiilashooda ugu dhiirigeliyaan inay ku biiraan sirdoonka milatariga Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -