Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad siday qalab caafimaad oo saakay ka degtay Hargeysa (Daawo Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in saakay halkaasi ka degtay diyaarad siday qalab caafimaad iyo daawooyin loogu tala galay kahor taga caabuqa Caronavirus.

Diyaaradan oo ka timid dalka Imaaradaka Carabta ayaa waday qalab caafimaad iyo sidoo kale daawooyin kala duwan , waxaana loogu tala galay qalabkan iyo daawooyinka in wax looga qabto caabuqa Caronavirus.

Maamulka Somaliland oo xiriir dhaw la leh dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay ka codsadeen in ay ka caawiyaan qalab caafimaad oo lagula tacaalo caabuqa Caronavirus oo dhibaato badan ku haya caalamka.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in deegaanadeeda laga helay labo kiis oo cudurka Caronavirus, waxa ayna Madaxda Somaliland sheegeen in ay keensanayaan qalab lagu baaro caabuqa Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo heysatay 8 caruur ah oo si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo War ka soo saaray dagaalka Maalintii labaad ka holcaya Guriceel

Caydiid Ali

Xog cusub oo ku saabsan Maxaabiistii xalay laga sii daayey jeelasha Israel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---