Ciidamada DF oo qaaday talaabo lagu joojinayo dagaaladii Wanle-weyn (Sawirro)

Taliyaha Guutada 7aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka G/dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo ay wehliyaan ciidamo fara badan ayaa maanta gaaray degmada Wanla-weyn oo maalmihii la soo dhaafay uu ka socday dagaal u dhexeeyey labo beelood oo khasaare badan geystay.

Taliyaha waxaa ku weheliyay socdaalkiisa Taliye xigeenka Booliska Gobolka Sh/hoose G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo Guddoomiyaha arrimaha Bulshada & wacyigelinta Gobolka Shabeellaha hoose Max’uud Mire.

Socdaalka taliyaha ayaa ahaa ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa nabadgalyada gobolka, loona qaboojin lahaa xiisada dagaal ee ka taagan degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay tageen goobihii lagu dagaalamay ayna kala dhex galeen maleeshiyo beeleedyadii dagaalamayey, sidoo kale qaar ka mid ah maleeshiyada beelaha ayey ciidamada xireen, kuwaasoo loo heysto iney geysteen gaboodfalo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo shareecada islaamka intii uu socday dagaalka.

Sidoo kale, waxaa isla maanta gaaray degmadaas Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute  oo ay qeyb ka yihiin Garsoorayaal.

Gudoomiyaha iyo saraakiisha ku wehlinaysay socdaalka ayaa waxaa degmada Wanlaweyn ku soo dhaweeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan halkaasi u tagay in ay kala dhexgalaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -